Doon xoolo ka qaadday Berbera oo ku degtay marinka Baabul Mandab.

Berbera-(Berberanews)–Doon ka qaadday 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi Marsada Berbera oo kusii socotay dalka Yemen ayaa ku degtay marinka Baabul Mandab.

Maareeyaha Dekedda Berbera, ayaa xaqiijiyay masiibadan la soo deristay ganacsatada Somaliland ee doontu u rarnayd, isagoo ilaahay u weydiiyay Cawil-naq.

Maareeye Siciid oo arrintaa ka hadlaya ayaa yidhi, “Doonta SK Marwah oo xalay xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab. Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa. Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi. Sidoo kale waxa saarna doonta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah.”