Shirkii Madaxdhaqammeedka Gobolka Sool oo saaka ka furmay Laascaanood

Laascaanood-(Berberanews)-Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxa saaka si rasmiya uga furmay shir ay hore ugu naaqeeen madaxda dhaqanka gobolada Sool.

Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaban qaabadiisu ka socotay magaalada Laascaanood ayaa hada furmay, madasha uu shirku ka dhacayo ayaa lagu sharaxay calamada Soomaliya iyo ka khaatumo.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ogolaatay in uu shirkani qabsoomo, iyadoo madaxda Somaliland iyo saraakiisha ciidankuna ay magaalada gees kaga suganyihiin, isla markaana wax is afgarad ah lagama gaadhin wadahadalo dhinacyadu yeesheen.

Guddi ka kooban 33 xubnood oo ay madaxda dhaqanku u magacaabeen hogaaminta shirka, ayaa horay ugu baaqay in ciidamada Somaliland dhulka SSC ka baxaan, millateriga ayaa dhankiisa sheegay in anay gobolka ka baxaynin, isla markaana ay gobolka iyagu gacanta ku hayaan.

Ilaa hada ma muuqato wax waan waan ah oo dhinacyada layskugu soo dhawaynayo, isla markaana Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah garaadka guud ee beelaha shiraya, ayaa Jabuuti iyo Soomaaliya ugu baaqay in ay Somaliland ku qanciyaan in ay gobolada SSC ka baxdo.