Xukuumadda, mucaaradka iyo madaxda dhaqanka oo mowqif midaysan ka qaatay Laascaanood

Hargeysa – (Berberanews)-Xukuumadda,  madaxda xisbiyada mucaaradka, qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si wadajir ah uga talo-bixiyey jidka ugu habboon ee loo mari karo xallinta xaaladda aadka u kacsan ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool muddooyinkan.
Wasiirro, hoggaanka mucaaradka, madax-dhaqameed iyo saraakiil kale oo shir-jaraa’id ku qabtay caasimadda Hargeysa maanta, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal wax-ku-ool ah laga gaadho arrinta Laascaanood.
Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), ayaa sheegay in xukuumaddu ay rabto in ay gogosha xal u helista arrinta Laascaanood  ballaadhiso, isla markaana talo loo dhan yahay xalka lagu galo.
“Xukuumaddu markii horena iskuma koobin, iminkana iskuma koobayso. Waxay ila tahay in gogosheedu ay ballaadhan tahay, oo la ballaadhiyo oo talo qaran laga yeesho, xisbiyada mucaaradka ahna kaalin baa uga furan in ay ka soo qaybqaataan talada,”  ayuu yidhi Wasiir Marreexaan.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo jeediyay in talo midaysan laga yeesho xaalada Laascaanood, isagoo madax dhaqameedka usoo jeediyay in ay Laascaanood tagaan.
Isagoo arrintaas iftiiminiyey waxa uu yidhi; “Madaxda dhaqanka waxaan u soo jeedinayaa in ay baaq midaysan, oo urursan oo midaysan Laascaanood ay la tagaan, oo ay kaga qaybqaataan qaddiyadda iyo dajinteeda.” 
Musharaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inay mucaarad ahaan diyaar u yihiin in ay kaalintooda ka qaataan xal u helista xaaladda Laascaanood, waxaannu madaxweynaha ku eedeeyey inuu doorkiisii ka baaqsaday.
“Hore ayaannu u sheegnay in aannu diyaar u nahay in aannu qayb ka noqonno, qarannimadana is garab taagno, laakiin arrintaasi xal ayey u baahan tahay kama dambaystii, waxaanan isleeyahay weli waxa maqan kaalintii madaxweynaha,” ayuu yidhi Cirro.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay salaadiin, odayaal iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood ku baaqay in talo qaran oo midaysan lagu wajaho xallinta xiisadda ka aloosan magaalada Laascaanood ee bariga dalka Jamhuuriyadda Somaliland muddo laba bilood ku dhow.