“Laascaanood hawsheedu  Madaxweyne Muuse biixi ayay dhakadiisa saaran tahay.” Xildh. Khayreeye

Madaxweyne Muuse Biixi Talo ma hayo dad Talo hayaana lama joogaan Tol qabtana ma hayo oo burburkaas uu Ummadii u horseeday Gacanta ka qabta, Markay sidaa tahay Tolkay waxaan leeyahay waar nin kasta halka alle dhigay waa la yaqaanaa cida aad la hadlaysaan garan maayee  laascaanood hawsheedu Madaxweyne Muuse biixi ayay dhakadiisa saaran tahay.
Taladiisii Xumaydna horaanteedii waan aragnaa waxan leeyahay Tolkay yaan Muuse Biixi Colaad sokeeye idin gelin oo kuwa u shaqeeyaa Xaabo ay Muuse Biixi u shidaan idinka dhigin. Hadii Muuse Biixi dadka Qancinaayo dalkiina soo celinaayo isaga ayay Masuulliyadi ka saaran tahay.
Waar hoy yaan Colaad ehli ah la idin ku soo rarin  oo masaakiintaas xaaladaha adduunyo hayaan ee reer miyiga ah ee xoolo dhaqatada ah ee aan dawladi wax ay tarto jirin yaan raaligelinta Madaxweyne Muuse Biixi dhiigooda dab loo sudhin.
Horumar ,cadaalad iyo wax wada lahaansho kolka ay jirto ayaa ummadu midnimadeeda  ilaalisa oo ay difaacataa kana hadashaa ,balse in aad hadashaan maanta iyadoo aan intaas midna la hayn oo la idinka hadashiiyo waa markhaati Beenaale aad u furteen Muuse Biixi iyo Colkiisa iyo Colaad hor leh oo aad bilaa sabab ugu soo waarideen nolosha ubadkiina iyo nabada deegaankiina  .
Colaad reereed ma jirto, reer, reer kale dhulkiisa sheegan karaana hadal keedba daa, Deegaanadeena hadii aaga Buuhoodle ay tahay iyo Hadii Caynaba tahayba, waa la inoo yaqaanaa ee yaan Madaxweyne Muuse biixi iyo Xukuumadiisu turjumaad khaldan idin siin.
Waxa galbeed horumar iyo mashaariic ka socotaa waad aragtaan idinkuna kaamam baracayaal baa la idiin abuuray oo reer miyigiinii lagu soo xareeyey  oo maalin kasta Tv-yada taagan waxan idin leeyahay kuwaa sidaa idiin gartay yaanay dhiigiina ku darsan .
Laascaanood iyo Garaadada jooga waxaan leeyahay  Siiba Garaad Jaamac Garaad Cali waar Colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waar  afkiina Colaada ka dhawra oo Nabad ka shaqeeya oo bahasha yaan reero laga dhigin , reeruhu imika ma abuurmin ilaa xaawa iyo Aadan ayay wada daganaayeen oo isku nolol ahaayeen waanay is yaqaanaan markaa yaan Shaydaan dhagta wax idiin saarin idinka .

Xildhibaan Mustafe Khayreeye.