Sool: Xukuumadda oo u jawaabtay garaad 15 sano dibad wareeg ahaa

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumada Somaliland ayaa imaanshiyaha Garaad Jaamac Garaad Cali 15 sanno kadib ku yimid Laascaanood ku tilmaantay nin gurigiisii yimid.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo Sahan TV wax ka waydiiyay socdaalka garaadka, ayaa ku tilmaamay in uu garaadku yahay nin gurigiisii yimid, taasina ay caadi tahay.

“Jaamac Garaad Cali waa garaad reer Laascaanood ah, oo garaad guun ah oo taariikh dheer leh, waana Jamhuuriyada Somaliland garaadadeeda ugu waa wayn ayuu kamid yahay, markaa haduu Laascaanood soo gaadhay waa nin magaaladiisii yimid, hadii lasoo dhaweeyayna dadkiisii ayaa soo dhaweeyay” ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Cali Mareexaan ayaa garaadka iyo garaadada kale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada isla markaana meel looga soo wada jeesto cidkasta oo nabadgalyo daro abuuraysa.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sanno kadib maanta Laascaanood soo gaadhay, ayaa soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacabka Laascaanood iyo tuulooyinka ku dhow dhow, garaadka ayaa aad uga soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland.