Garaad Jaamac oo 15 sano ka dib cago-dhigtay Laascaanood

Sool-(Berberanews)-Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC ayaa maanta markii ugu horreysay 15 sano kadib tagay magaalada Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka qeyb galidoona shirweynaha aayo ka tashiga gobolka Sool iyo deegaanada la isku yiraado SSC ee ah Sool, Cayn iyo qeybo katirsan gobolka Sanaag.

Garaadka ayaa soo dhowayn ballaaran loogu diyaariyay magaalada Laascaanood, halkaas oo ay dhammaan ku sugan yihiin Isimada iyo cuqaasha SSC, iyadoo maanta lagu wado inuu furmo shirweynaha masiirka reer SSC.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa magaalada Laascaanood ugu dambeysay sanadkii 2007, xilligaas oo Somaliland ay la wareegtay magaalada Laascaanood, kadib dagaallo dhexmaray iyaga iyo maamulka goboleedka Puntland.

Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu kamid yahay Isimada ku adag qaddiyadda midnimada Soomaaliya, wuxuuna katirsan yahay salaadiintii wax ka dhisay maamulkii Khaatuma ee faddhigiisu ahaa Buuhoodle.

Imaanshiyaha Garaadka ee Laascaanood, waxay kusoo beegmaysaa ku dhawaad muddo bil ah oo magaalada Laascaanood uu ka socday kacdoon lagaga soo horjeeday Somaliland.