Maraykanka oo duqayn cirka ah ku dilay sodomeeyo Alshabaab ah

Somalia-(Berberanews)-Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen ku dhawaad ​​30 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Galcad oo qiyaastii 260km (162 mayl) dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab waxa ay ku dagaalameen gacan ku heynta degmadaasi.

Weerarkii cirka ee Jimcihii ayaa ku soo geegmay xilli ciidamada ay weerareen in ka badan 100 dagaalyahan, sida uu sheegay taliska Mareykanka ee Afrika.

Horay ayay Islaamiyiinta uga dileen 7 askari kadib markii ay xoog ku galeen xero ciidan oo ku taal Galcad. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in tobaneeyo ka mid ah maleeshiyada la dilay.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii dagaal kula jirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo doonayay inay ku soo rogaan maamul Islaami ah oo xag-jir ah.

Iyadoo laga saaray magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ayaa waxa ay wali weeraro ku qaadayaan goobaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyo dadka rayidka ah.

Isniintii lasoo dhaafay ayay dowladdu sheegtay in ciidamadeeda iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay qabsadeen dekedda magaalada Xarardheere oo tan iyo sannadkii 2010-kii u ahayd xarun muhiim u ahayd Al-shabaab.

Warbixin ay ka soo saartay dagaalkii Galcad ka dhacay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in saddex baabuur oo ay wateen Al-Shabaab lagu burburiyay “Talisku waxa uu qiimeeyay in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay. Faahfaahinta si madax bannaan looma xaqiijin.

“Ciidanka Taliska Mareykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababarada, la-talinta iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada la ah, si ay gacan uga geystaan ​​sidii loo siin lahaa agabka ay u baahan yihiin si looga adkaado Al-Shabaab oo ah shabakada ugu weyn uguna halista badan ee Al-Qaacida,” ayaa lagu yidhi qoraalka.