Ganacsadaha Elon Musk oo qorsheeyay inuu Internet Xawaare sare ka hirgeliyo qaaradda Afrika.

Ganacsadaha Elon Musk oo hadda ah ninka labaad ee Dunida ugu hanti badan, ayaa qorsheeyay inuu Internet Xawaarihiisu sarreeyo ka hirgeliyo Dalalka qaaradda Afrika.

Dalka Zimbabwe ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee laga hirgelinayo Internet-ka Xawaarihiisu sarreeyo, kaasi oo ay hirgelinayso Shirkadda Starlink ee uu leeyahay Elon Musk.