Dalalka Islaamka oo cadho weyn ka muujiyay Gubista Kitaabka Quraanka ee Sweden

Sweden-(Berberanews)-Nuqul Kitaabka Qur’aanka kariimka ah ayaa lagu gubay dibad bax sabtidii ka dhacay dalka woqooyiga Yurub dhaca ee Sweden.

Inkastoo dhacdadan oo kale aanay hadda ugu horeenin hadana caalamka ayaa si weyn looga fal celiyey dhacdadan.Waddamada islaamka ee ka fal celiyey waxaa ka mida Turkiga, Sucuudiga, Pakistan iyo Qatar oo aad u cambaareeyay falkan.

Xilli uu turkigu cambaareynayey falkan ayuu ku tilmaamay dhacadan fal karaahiya ah.

Waxa uu Turkigu sidoo kale ku tilmaamay go’aanka ay dawladdu Sweden ku ogolaatay dhacdadan inay tahay mid sharci ahaan laga hor imaan karo.

Waxaanse markii horeba wanaagsanayn xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labadan dal mudooyinkii u dambeeyay.

Turkiga ayaa Sweden ka dalbaday inay hor istaagto mudaharaadada noocan oo kale ah halka Wasiirka difaaca ee Sweden Paul Johnson oo booqashu ku tagi lahaa Turkiga uu baaqday. Turkigu waxa uu sheegay in socdaalkani aanu wax macno ah lahayn.

Paul Johnson ayaa Arrinkan wax ku saaabsan soo dhigay bartiisa Twitter-ka “Waxaan shalay kula kulmay saldhigga ciidamda Maraykanka ee ku yaal magaalada Jarlmalka ee Ramstein Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar , waxaan go’aansannay inaan dib dhigno kulankii aan ku ballansanayn inuu Ankara ka dhoco, ilaa mar dambe.”

Qormo kale oo uusoo dhigay isla bartiisa Twitter-ka ayu uku yidhi “ xidhiidhka Sweden kala dhexeeya Turkiga aad ayuu muhiim noogu yahay. Waxaan filaynaa inaan yeelannno wada hadallo ku saabsan arrimaha difaaca goor dhow.”

Sida Islaamku sheegayo Qu’aanku waa hadalkii ilaahay. Saas darteed fal waliba oo ka dhan ah kitaabka eebbe ayey Muslimiintu si aad ah ugasoo hor jeestaan.

Muxuu Turkigu muhiim ugu yahay Sweden?

Waxay Sweden doonaysaa inay ku biirto gaashaan buurta NATO. Balse Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa kasoo hor jeeda ku biiristooda.

Xubin waliba oo ka tirsan NATO ayaa ka hor istaagi kara in waddan kale uu kusoo biro gaashaan buurta NATO.

Kadib markii uu bilowday dagaalka Ruushka iyo Ukraine, ayey Sweden iyo Finland codsadeen inay kusoo biiraan Gaashaan Buurta NATO.

Balse hor joogsiga Turkiga ee arrinkan awgii, ayey mudaharaadyo ka dhan ah turkiga ka bilowdeen magaalada Stockholm ee xarunta dalka Sweden. Waxaa kacdoonkan wada dadka aaminsan fikirka midigta fog ee Sweden.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Stram Kurs oo lagu magacaabo Rasmus Pailudan ayaa intii mudaharaadku socday kitaabka Qur’aanka ku hor gubay safaaradda Turkiga ee dalkaasi halkaas oo isusoo baxayadu ka dhacayeen.

Booqashada wasiirka gaashaandhigga ee Sweden oo la qorsheeyay inuu ku tago dalka Turkiga ayaa la rumeysan yahay inay dib dhigtay dhacadani.

Ka dib markii Sweden iyo Finland ay codsadeen kamid noqoshada NATO ayuu Turkigu hor istaagay balse markii dambe wuxuu la laabtay codka diidmada qayaxan.

Turkiga ayaa ka dalbaday labada dalba inay joojiyaan taageerada ay siiyaan ururrada uu Turkigu argagixisada u aqoonsanayahay ee PKK iyo kurdiyaanta dalkaas ka dagaalama. Waxaa kaloo ka mid ahaa shuruudaha uu Turkigu soo saaray miiska in laga qaado xayiraadda ay Sweden saartay Turkiga ee dhanka iibka Hubka.

Turkiga ayaa sidoo kale Sweden ku eedeeyay inay xubno ka tirsan PKK ay ku xanaanayso guda Sweden. Hase ahaatee eedaymahan ayey Sweden beenisay bilowgii horeba.

Turkiga ayaa dalbaday in Sweden ay usoo gacan galiso hogaamiyeyaasha Kurdishka iyo kuwa dhaleeceeya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Pakistaan maxay tidhi?

Pakistan oo jawaab ka bixisay falkii lagu gubay Quraanka Kariimka ee Sweden ka dhacay ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka waxay ku tidhi, “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa dhacdadii Sweden ee lagu gubay qur’aanka kariimka ah . Arrinkan foosha xun ee Islaam nacaybka ah ma aqbalayno, Islaamku waa diin muslimiintu leeyihiin oo nabad ah, ixtiraamtana diimaha kale, waa in dhamaan mabaadii’da la ixtiraamo.”

Pakistan ayaa ka codsatay wadamada kale inay ka dhiidhiyaan isku dayga lagu kicinayo Islam nacaybka, dulqaad la’aanta iyo rabshadaha.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa arrintan ku soo qoray bartiisa twitter-ka, wuxuuna yiri “Qur’aanka kariimka ah waxaa xaqiray nin xagjir ah oo garabka midig ee Sweden, erayo kuma filna in la cambaareeyo, dareenka diimeed ee hal bilyan iyo bar Muslimiinta adduunka ku nool, lama dhaawaci karo dareenka dadkaas, iyadoo lagu gabbanayo xorriyadda hadalka.”

@Bbc Somali