Xukuumadda Somaliland Oo Beesha Caalamka U Gudbisay Xaaladda Laascaanood

Hargeysa (BerberaNews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Beesha Caalamka u dirtay Warqad ay ugu faahfaahinayso Dhacdooyinka Magaalada Laascaanood iyo Cidda leh Masuuliyadda Dilalka halkaa loogu geysto Hal-doorka Bulshada Sool iyo Masuuliyiinta Dawladda.

Warqad uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa lagu sheegay in xallinta rabshadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood ay awgeed Xukuumaddu qaadday Tallaabooyin muhiim ah, sida inay siidaysay Maxaabiis loo qabtay Rabshadihii Laascaanokd, Wada-hadallo ay la yeelatay Madax-dhaqameedka Gobolka iyo labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilladu Magacaabeen Guddiyo ka qayb-qaata xallinta tabashooyinka jira.