Somaliland: Cullimada oo baaq dimuqraadiyaysan u diray bulshada

Hargeysa(Berberanews):- Imaamada Masaajiddada Caasimada Culimada Hargeysa qaarkood, ayaa Shacabka Somaliland u soo jeediyay in ay ka qayb-qaataan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee dalka ka socota, waxaanay ku boorriyeen kana faa’iidaystaan muddada dheeraadka ah ee lagu kordhiyey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Sheekh Axmed Dhimbiil Guuleed, Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil (Aw Libaax), Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan iyo Sheekh Cabdirashiid Oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa ay Guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyeen in ay is diiwaan-geliyaan, si ay uga qayb qaataan doorashooyinka la qorsheeyey in ay dalka ka qabsoomaan sannadkan gudihiisa. lagu jiro ee 2023.

Agaasimaha waaxda Fadwada ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Axmed Dhimbiil Guuleed, ayaa bulshada si adag ugu boorriyey in ay isdiiwaan galiyaan, kana faa’iidaystaan xiliga kooban ee ka hadhay muddada dheeraadka ah ee lagu daray wakhtigii caadigaa ahaa oo dhan 15 maalmood.

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland oo dhammaadka bishii December ee sannadkii hore ka bilaabantay guud ahaan dalka, ayaa la qorsheeyey inay socoto muddo 30 maalmood ah, iyadoo xilligan lagu gudo-jiro 15-kii dambe oo goobo cayiman isla markaana kooban laga soo reebay goobihii diiwaangelinta.

Diiwaangelinta, ayaa ujeeddadoodu tahay fursad la siinayo Dadka Qaan-gaadhay, kuwa aan hore isu-diiwaangelin, dadka kaadhadkoodii hore ka lumeen iyo muwaadiniinta doonaya inay beddeshaan goob-doorashooyinka ay hore uga codeeyeen.