Maayirka Degmada.Berbera oo qaabiley wafti ka socday dalka Denmark

Berbera–(Berberanews)-Mayor-ka magaalada Berbera Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xassan Ciddin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Xafiiska Denmark ay ku leedahay Somaliland.

Weftigan ayaa u socday u kuur Galidda horumarka dhaqaale ee magaalada Berbera ku tallaabsatay iyo sidii  hore loogu marin lahaa kobica dhaqaalaha Magaalada Berbera.

Mayirka ayaa ugu horayn uga mahad naqay weftigan safarkooda magaalada, warbixin kooban na ka siiyey kobaca dhaqaale ee magaaalada, qorshaha dawlada hoose ee ku wajahan kobcinta dhaqaalaha iyo caqabadaha hadda jira.

Ugu dambayntii  weftiga ayaa sheegay inay dawlada hoose kala shaqayn doonaan kana taageeri doonaan sidii dhaqaalaha loo kobcin lahaa shanta sanno ee dambe ee soo socata.