Xukuunadda Somaliland oo go’aanno kasoo saartay Laascaanood

Maalmihi u danbeeyey waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool gaaray wefdi ka socda xukuumadda Somaliland, kuwaas oo halkaa u joogay xal u helidda rabshadihii muddooyinkii u danbeeyey ka dhacay gobolkaas.

Rabshadahaas oo ay ku dhinteen dad, kaddib markii ay dadku ka gadoodeen sida ay sheegeen dilal soo noqnoqday oo magaaladaaas ka dhacayey muddooyinkii danbe.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Suleymaan Cali Koore oo warbaahinta la wadaagay warsaxafadeedkii ay soo saareen ayaa sheegay in Somaliland ay taageereyso wahadallada nabadda si loo soo afjaro xiisadda Laascaanood.