Ingiriiska oo Ukraine u diraya Taangiyaddiisa dagaalka ee Challenger 2

Uk-(Berberanews)-“Boqortooyada Midowday (UK) waa inay u dirto taangiyada Challenger 2 Ukraine si ay u xoojiyaan dadaalka dagaal ee dalka,” Ra’iisul Wasaaraha Rishi Sunak ayaa yidhi.

Wuxuu la hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky Sabtidii, wuxuu xaqiijiyay inuu u diri doono qalabka iyo nidaamyada madaafiicda dheeriga ah.

Downing Street ayaa sheegtay in tallaabadani ay muujinayso “hamiga UK ee ah xoojinta taageerada.”
Dawladdu waa inay 14 taangi u soo saarto Ukraine iyo Ilaa 30 AS90s, kuwaas oo ah qoryo waaweyn oo iskood isu rida, ayaa sidoo kale la filayaa in la geeyo.

Madaxweyne Zelensky oo u mahadceliyay Dowladda Uk, ayaa sheegay in go’aanka taangiyadda loogu dirayaa “Maaha mid xoojinaya goobaha dagaalka oo qudha, laakiin waa mid calaamad saxa u diraya saaxibada kale”.

Wadahadalka labada hoggaamiye Mr Sunak and Mr Zelensky ayaa sifoo kale lagaga hadlay guulihii dhawaanahan ee ee Ukraine samaysay.

Dhawaaqan ayaa imanaya weeraro isdaba jooga oo duwaymo ah oo laga fuliyay magaalooyinka Ukraine ee Kyiv, Kharkiv and Odesa.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com