Madaxweynaha Somaliland oo xil-ka-qaadis iyo magacaabid sameeyay

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne xilkii kaga Agaasimihii Wasaaradda Maalliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan,waxaannu xilkaas u magacaabay Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Salaan Xasan Keyd Cabdille,
Wakiilkii hore ee amhuuriyadda Somaliland ee midowga Yurub oo uu ku bedelay Kaysar Cabdillaahi Maxamed.

Wareegtadan oo nuqul ka mid ah aanu helay ayaa u dhignayd sidan.

“WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /01/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/WM/222/1-978012023 iyo JSL/XM/WM/222-981/012023, JSL/XM/WM/222-982/012023 uu xilka qaadis, Bedel iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Maxamed Cabdi Gurxan,
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Mudane

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ku: Salaan Xasan Keyd Cabdille
Wakiilkii hore ee amhuuriyadda Somaliland ee midowga Yurub

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Beddel iyo Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

2. In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.