Gambia: Xayawaan u le’day xannaano La’aan markii la xidhay Sarkaal beerta lahaa

Gambia-(Berberanews)-Waxaa jira walaac isa soo taraya oo Gambia ka jira oo ku saabsan daryeelka Xayawaan beer dalxiiska caanka ah oo uu leeyahay askari bishii hore la xidhay isagoo lagu eedeeyay inuu maleegayay afgambi.

Lance Corporal Sanna Fadera qoyskiisu ma garanayaan sida loo quudiyo xayawaanka waxayna dadka waydiisanayeen gargaar.

Qaar ka mid ah hangarallooyinku, chameleons iyo massaska ayaa ka mid ah xayawaannada dhintay tan iyo markii la xidhay 22-kii December.

Beerta ku taal magaalada Nema oo qiyaastii 155km (96 mayl) dhanka galbeed ka xigta caasimadda, Banjul, ayaa sidoo kale leh yaxaasyo, qoolley iyo barkad kalluunka.

Dadka ayaa sidoo kale ka walaacsan xaaladda beerta haddii aanay helin daryeelka loo baahan yahay.

Lance Corporal Federa ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay isku daygii afgambi ee madaxweyne Adama Barrow.

Bishii hore, walaashii ayaa BBC-da u sheegtay in aanu ku lug lahayn wax qorshe ah oo lagu afgambiyay madaxweynaha. Waxa kale oo la xidhay lix sarkaal oo kale.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com