Faransiiska iyo Jarmalka oo Ethiopia ka dalbaday baadhitaanka dembiyo dagaal

Ethiopia-(Berberanews)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka ayaa sheegay in Itoobiya aysan ka dhici karin dib u heshiisiin iyadoon cadaalad la helin.

Waxay ka hadlayeen Addis Ababa ka dib markii ay la kulmeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wadahadleen halka uu marayo heshiiskii nabadeed ee bishii November ee dhexmaray dowladda federaalka iyo fallaagada Tigrayga.

Wasiirada ayaa ku baaqay in la sameeyo hannaan cadaalad ku meel gaadh ah oo lagu ciqaabayo xad-gudubyadii dhacay intii uu socday dagaalka.

Wasiirada ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay mustaqbalka booqdaan qeybo ka mid ah dalka Itoobiya oo su’aasha la xisaabtanka ay door weyn ka qaataan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay in dowladdu ay hubin doonto in dambiyada aan la ciqaabin.
Waxa uu saxafiyiinta u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay iyo guddiga xuquuqul insaanka ee ay dowladdu magacawday in kormeerayaal la geeyo goobaha ay dagaalladu saameeyeen.

Dhammaan dhinacyadii labada sano ee dagaalka ka socday waqooyiga Itoobiya ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Maraykanku waxa uu sheegay in horumar la taaban karo laga sameeyay soo celinta gargaarka bini’aadantinimo ee Tigrayga