Ciidammada Maraykanka oo dhoolatus ciidan ku samaynaya Berbera

Berberanews-(Berberanews)-Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku sheegtay inay dhawaan dhoolatus milateri ka samayn doonaan magaalo-xeebeedda Berbera ee Gobolka Saaxil.

War kasoo baxay Taliska Ciidammada ayaa lagu sheegay in tani ka dhalatay kormeer qiimayn ah oo saraakiil ka socda Ciidammmada Maraykanku ku tegeen Berbera maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 13kii January.

13-kii January, shaqaalaha Mareykanka ee isku dhafka ah ee Geeska Afrika (CJTF-HOA) ayaa kormeer qiimayn ah ku tagay dekedda Berbera. Booqashadan ayaa ku soo beegantay ka hor dhoolatuska tababarrada ciidamada caalamiga ah ee uu Maraykanku hogaaminayo ee loo qorsheeyay February 2023.” Ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Taliska Ciidammada Maraykanka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidammada Maraykanka ayaa weaxaa lagu yidhi
“Heshiiska dhoolatuska Wadajirka oo loogu talagalay in lagu kordhiyo iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada xasaradaha iyo howlgalka la dagaalanka argagixisanimada iyo u diyaargarowga la-hawlgalayaasha gobolka ee hor-yaala hawlgallada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Marka lagu daro dekedda Berbera, dhoolatusyada ayaa ka dhici doona Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, iyo Uganda oo ay ka qayb galayaan 20 wadan oo saaxiibo ah, oo ay ku jirto Soomaaliya”

“Milateriga Maraykanku waxay si joogto ah u sahamiyaan meelaha suurtagalka ah ee ay ka hawlgali karaan si ay ugu diyaar garoobaan waxyaalaha lama filaanka.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com