Ciidammada Axmaarada oo ka baxay Magaalada Shire ee Tigrayga

Ethiopia-(Berberanews)-Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Amxaarada – oo xulafo la ah dowladda federaalka labadii sano ee dagaalka sokeeye ee ka dhanka ahaa dagaalyahannada Tigrayga – ay bilaabeen in ay ka baxaan magaalada Shire ee Tigrayga iyo deegaannada hoos yimaada.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dagaalyahanada Tigray-ga horaantii todobaadka ay bilaabeen inay hubkooda wareejiyaan si waafaqsan heshiiskii nabadeed ee bishii November lagu saxiixay Pretoria si loo soo afjaro dagaalka arxan darrada ah.

Ciidamada Tigreega ayaa dalbanayay in ciidamada Axmaarada iyo Eritrea laga saaro gobolka.

Munasabad dhif ahoo loo sameeyay ciidamada Axmaarada ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka General Abebaw Tadesse, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka difaaca.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma muuqato wax muujinaya in ciidamada Eritrea ay raaci doonaan.

Ka bixitaanka dagaalyahanada Axmaarada ee Shire – oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka – ayaa loo badinayaa inay ka farxiso ciidamada Tigreega.

Si kastaba ha ahaatee, dhulka lagu muransan yahay ee Galbeedka Tigray- oo ay labada gobolba sheeganayaan, haatanna ay ku sugan yihiin ciidamada Amxaarada- ayaa la filayaa in ay xuddun u noqoto xasiloonida deegaanka

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com