Ciidamada Puntland oo sheegtay in ay dileen sarkaalka tirsan Daacish

Puntland-(Berberanews)-Warar lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay dileen madaxii howlgallada kooxda Daacish ee deegaannada gobolka bari, oo lagu magacaabi jiray Abuu-Albara Al Amani.

Ninkaan ayaa sida ay sheegeen booliska Puntland waxaa lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo Al-shabaab maalintii shalay.

Marka laga yimaado sheegashada Puntland ee dilka ninkaan ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa warkan.
Warka qoraalka ah ee lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxaa la socda sawir lagu sheegay inuu yahay Abuu-Albara Al Amani

@Bbc Somali