Maxaabiis Basbaaska budada u adeegsaday inay ka baxsadaan Jeel Ethiopia ku yaal

Ethiopia-(Berberanews)-Laba maxbuus oo caan ah ayaa baxsaday ka dib markii ay indhahooda ku rusheeyeen budada basbaaska askar dib ugu celinaysay xabsiga magaalada Alaba ee koonfurta-galbeed ee Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen.

“Afar ka mid ah maxaabiista baxsatay, mid waa la dilay, mid kalena waa dhaawacmay, labona weli waa la baadi goobayaa,” ayuu BBC-da u sheegay taliye ku xigeenka booliiska maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Taaju Negash.

Ma cadda halka ay maxaabiistu ka keeneen basbaaska. Maxbuuska la dilay ayaa wajahayay dacwad kale oo ah inuu bam gacmeed ku tuuray askar ka tirsan ciidamada booliska xili uu xabsiga ku jiray.

Booliiska ayaa sheegay inaan wax dhibaato ah kasoo gaadhin weerarka budada ah ee basbaaska.

Basbaaska cas waxaa loo isticmaalaa cunnada Itoobiya, Alaba waxay caan ku tahay beerashada.

Maamulka ayaa sheegay in maxaabiista baxsadka ah ay yihiin kuwo halis ah, islamarkaana ay qorsheynayaan in ay  baahiyaan sawirradooda, si shacabka ay gacan uga geystaan ​​baadhitaanka.

Berberanews@gmail.com