Frene Ginwala : Halyeeyad ku suntanayd halgankii midab-takoorka oo geeriyootay

Koonfur-Africa-(Berberanews)-Frene Ginwala oo u dhaqdhaqaaqi jirtay ka hortagga midab-takoorka, oo noqotay afhayeenkii aasaasay baarlamaankii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto Koonfur Afrika, ayaa ku geeriyootay da’da 90-sano.

Intii lagu guda jiray 1960-meeyadii iyo 70-meeyadii waxay ku noolayd masaafuris dalka Mozambique halkaas oo ay ka caawisay xubno badan oo caan ah oo ka tirsan xisbiga African National Congress (ANC) inay dibadda u baxsadaan.

Ms Ginwala waxa kale oo ay u safartay aduunka oo dhan iyadoo indhaha caalamka ku soo jeedinaysa xad-gudubyadii xilligii midab-takoorka.

Markii xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay uu dhammaaday doorashadii Nelson Mandela 1994-tii, Ms Ginwala waxaa loo magacaabay afhayeenka golaha qaranka.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in wadanku uu ka murugeysan yahay geeridii ku timid waddaniyad si weyn looga cabsado.

Berberanews@gmail.com