Ethiopia: Jabhadda Oromada ee OLA oo qiratay weerar lagu furtay kumannaan maxbuus

Ethiopia-(Berberanews)-Taliye ka tirsan fallaagada Itoobiya ee Oromo Liberation Army (OLA) ayaa BBC u sheegay in dableyda ay jebisay xabsiga magaalada Bule Hora ee koonfurta dalkaasi.

“Kadib dagaal saacad qaatay oo aan la galnay ciidamada dowladda, waxaan jabinay [xabsiga], waxaana ka sii deynay in ka badan 2,000 oo qof oo ku xidhnaa xabsiga kadib markii lagu eedeeyay inay taageersan yihiin OLA,” sidaa waxa yidhi Jaal Abdisa, oo ah taliye ku xigeenka OLA ee Galbeedka Guji, oo uu ku jiro Buule.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in tirada dadka baxsatay ay aad uga yar tahay 480 qof.
Taliye Jaal Cabdisa ayaa sheegay in jebinta xabsiga loo sameeyay si loo sii daayo dadka la dhacsan ee u xidhan dowladda.

Balse howlgalkan ayaa ahaa mid dhiig badan uu ku daatay oo ay ku dhinteen tiro askar boolis ah.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dadka baxsaday qaarkood ay ahaayeen dambiilayaal halka kuwa kalena ay ka tirsanaayeen ururka OLA.

Inkasta oo uu weerarku dhacay dhamaadkii todobaadkii hore – faahfaahinta ayaa soo baxaysa oo kaliya maalmihii la soo dhaafay sababtoo ah gobolku waa fog yahay waxaana aad khatar u ah in saxaafaddu ka hawlgasho.

Muuqaalo laga duubay taleefoonada gacanta oo la faafiyay jebinta xabsiga ka dib ayaa muujinaya muuqaal fowdo ah oo habeenkii ah.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa ururka OLA u aqoonsaday koox argagixiso ah. Maleeshiyaadka ayaa ku andacoonaya in ay la dagaalamayaan cabudhinta ay ku hayaan shacabka Oromada oo 40% ka ah shacabka Itoobiya.

Inkastoo dadaallo lagu doonayo in nabad lagu gaadho waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa sii xoogeystay dagaallada ka socda gobolka ay dadka badan ku nool yihiin ee Oromada.