Djibouti: Xogo dheeriya oo khuseeya dhismaha Xarunta Dayaxgacmeedka

Djibouti-(Berberanews)-Qorshaha Jabuuti ee ah in laga dhiso xaruntii ugu horreysay ee gantaallada laga diro Afrika waa tallaabo “aad muhiim u ah” sababtoo ah hadda ma jiro mid ka shaqeeya qaaradda, Temidayo Oniosun, oo ah agaasimaha maamulka shirkadda Space in Africa, ayaa u sheegay barnaamijka Newsday ee BBC.

Hadaladiisa ayaa yimid ka dib markii waddanku uu heshiis horudhac ah la saxiixday shirkad Chinese ah oo hawada sare ka shaqeysa si ay u dhisto goob gantaallo ah oo ku kacaysa $1bn (£800m).

Sida ku cad heshiiska, shirkadda samaysa dayax-gacmeedka ee Hong Kong Aerospace Technology Group ayaa maamuli doonta goobta 30-ka sano ee ugu horreeya ka dibna u gudbin doonta gacmaha Jabuuti.

Hadafka reer Jabuuti waxa uu ahaa in ay helaan “goob caalami ah” oo shirkad kasta oo adduunka ka mid ah ay hawada ugu diri karto dayax gacmeedyada, ayuu yidhi Mr Oniosun.

Jabuuti oo ku taal cidhif dabiici ah maadaama ay aad ugu dhawayd dhulbadhaha, taas oo la macno ah in shirkadaha gantaalaha diraa ay “badbaadin karaan waxoogaa shidaal ah” iyo lacag marka ay dayax-gacmeedkooda ka soo diraan halkaas, ayuu Mr Oniosun hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, sida Shiinuhu u maamuli doono goobta, waxaa laga yaabaa inay “siyaasad ahaan adag tahay” in la soo jiito shirkadaha maadaama xidhiidh xun ka dhexeeyo Beijing, sida Mareykanka, Mr Oniosun ayaa ka digay.

Wuxuu intaas ku daray in tobanka sano ee soo socda aan arki doono dhismayaal badan oo hawada sare oo Afrika laga dhisayo, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Nigeria ay leeyihiin qorshayaal lagu dhisayo.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com