Tunisia: maxkamad xukun dheer ku riday haween lagu eedeeyay argagixiso

Tunisia-(Berberanews)-Maxkamad ku taalla dalka Tunisia ayaa xabsiga dhigtay sagaal xubnood oo lagu tilmaamay inay yihiin haween argagaxiso ah.

Waxaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay dilaan wasiir ka tirsan dowladda.
Labo ka mid ah haweenkan oo la sheegay inay hormuud ka ahaayeen ayaa lagu xukumay 25 sano oo xadhig ah, halka ta kalena lagu xukumay xabsi u dhexeeya saddex illaa 14 sano.

Kiiskan ayaa soo bilowday sanadkii 2016 markaas oo baraha bulshada lagu sheegay in la isku dayay in la dilo wasiirkii arrimaha gudaha ee xilligaas Hedi Majdoub xilli uu booqasho ugu tagay waalidkii.

Xafiiskiisa ayaa beeniyay wararkaas. Wasiirka cadaalada Tunisia muu shaacinin xog dheeri ah.