Mushkilad ka taagan kastamka iyo dekedda Berbera oo hakiyay shaqadii cashuuraha

Berbera-(Berberanews)-Kastamka magaalada Berbera ayaa saddexdi maalmood ee u danbeeyay aan wax laga cashuurin kadib markii ganacsatada wax kala soo degta dekedda Berbera ay ka hor yimaadeen Habraacyo ay kusoo rogtay wasaarada horumarinta Maaliyada ee Somaliland, kuwaas oo ay u arkeen in lagu cuna qabataynaayo.

Arinta muranku ka taagan yahay ee ganacsatadu ka gaws adaygtay ayaa timi kadib markii lagu wargaliyay in wixii cashuura ee khaladaad ama is daba marin ah ee dhacay ay qaadayaan masuuliyaddeeda, taas oo markii hore lagala xisaabtami jiray shaqaalaha Kastamyada.

Mukhalisiinta iyo Ganacsatad wax ka cashuurta kastamka Berbera oo si qayaxan uga hor yimi Habraacyada lagu soo rogay ayaa ku doodaya in wasaarada maaliyadu ay ku khasbayso in ay saxeexaan formka Entryga lacagaha, si ay masuuliyadiisa u qaadaan dhib kasta oo ka dhalata, taas oo masuuliyadiisa uu leeyahay Kastamku, lagalana xisaabtami jiray wax kasta oo ka yimaada, balse aanay shaqo ku lahayn saxeexisa oo wasaarada maaliyadu ay qorshaysay hada in iyaga ay kusoo wareejiso si khasaaraha ka dhasha looga qaado taas oo aan xaq loogu lahayn sharcigana aan ku jirin sida ay qabaan oo noo sheegeen qaarkood oo aan la xidhiidhnay.

Waxaanay intaasi kusii dareen inaanay aqbalay arintaasi formka dawliga ah ee lagu khasbaayo in ay saxeexaan, balse ay dalbanayaan in wasaaradu ay ka laabato oo ay u dayso saxeexiisa cidii ka shaqayn jirtay ee lagala xaajoon jiray wixii kasoo noqda.

Wasaarada horumarinta Maaliyada, ayaa u muuqata inay ka gaabisay in ay ku qanciso Habraacyada kasoo baxay ee  ganacsatada ay doonayso in ay ku hagto in ay ku qanciso, sidoo kale waxa ay ka dhego adaygaysa cabashooyinka ay qabaan ganacsatada reer Somaliland, waxaana hada wasaaradu ay maciin biday in kulamo wada hadal ah ay ka abaabusho magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, xili xadhkaha uu goostay gadoodka ganacsatadu.

Kkastamka Cashuuraha Berbera ee xidhan maalmihii u danbeeyay ayaa sidoo kale waxa uu saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dekedda Wayn ee Berbera oo wakhtigan haawanaysa, taas oo ay dhex tuulan yihiin alaabti ay kala bixi lahaayeen ganacsatada ku xidhan dek dekeddaaasi ee wax kala soo dega.

Habraacyadan wasarada maaliyada kasoo baxay ayaa la dhaqan galiyay bilawga sannadkan cusub 2023 kaas oo lagu amray shaqaalaha kastamyada dalku in ay fuliyaan dhaqan galkiisa laguna daba gali doono qaabka ay u meel mariyaan.

Masuuliyiinta Waasaarada maaliyada iyo kuwa kastamka Berbera ugu wakiilka ah oo aan la xidhiidhnay si aan arrintaasi wax uga waydiino ayaanay noo suurtogalin in aanu helno.