Maraykanka oo $10 milyan dul dhigay sarkaal Alshabaab ka tirsan

Kenya-(Berberanews)-Dowladda Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10m (£8m) ugu yaboohday xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan, oo lagu eedeyay in uu ka dambeeyay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hotel iyo xafiisyo ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi, sanadka 2019-ka.

Ninkan ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa kooxdii qorsheysay weerarkii hotel DusitD2 oo sababay dhimashada 22 qof.

Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen.

Maraykanka ayaa sheegay in Aadan lala baadi goobayo kooxo kale oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin argagixisada.

Dhowr qof oo lagu eedeeyay in ay doorar kala duwan ku lahaayeen weerarka ayaa la xidhay, waxaana la soo taagay maxkamad. Balse ma jirto cid lagu xukumay eedeymaha la xidhiidha weerarka.

Horaantii todobaadkan, Mareykanka ayaa $10m dul dhigay hogaamiyihii Al-Shabaab Macalin Ayman ee Kenya.
Waxaa loo heystaa kaalintii uu ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya iyo Mareykanka oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Maraykanku waxa uu yahay saaxiibka muhiimka ah ee Kenya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya iyagoo sheegay inay uga aargoosanayeen ciidamadooda oi gudaha u galeen Soomaaliya sannadkii 2011-kii, kuwaasoo qayb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.