Ethiopia: Ciidammada oo raadinaya maxaabiis Jabhadda Oromia jeelka ka jebisay

Ethiopia-(Berberanews)-Ciidamada amaanka Itoobiya ee ku sugan Koonfurta dalka Itoobiya ayaa kordhiyey ugaadhsiga ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan boqolaal maxaabiis ah oo ka baxsaday xabsi ku yaala magaalada Bule Hora oo in ka badan 450km u jirta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kadib weerar ay ku qaadeen rag hubaysan.

“Ciidamada dowladda ayaa wali baadhaya,” ku xigeenka duqa magaalada Girja Urago ayaa u sheegay BBC.
Xabsiga ayaa waxaa ku xidhnaa maxaabiis caan ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxaha fallaagada ah oo la xidhay kadib howlgalo ay ciidamadu sameeyeen.

Weerarka oo dhacay aroornimadii hore ee Axaddii todobaadkan, ayaa waxaa ku dhintay shan ka mid ah ilaalada xabsiga booliska iyo hal qof oo rayid ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

“Dhammaantood way baxsadeen. Waxaan ku qiyaasnay ​​in ay ahaayeen in ka badan 480 maxbuus,” ayuu yidhi sarkaalka.

Jabhada Oromada ayaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerarka balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda.

Horay, kooxaha xagjirka ah ayaa sheegtay inay “maxaabiista siyaasadeed” ka sii daayeen jeelasha kale ee ku yaala gobolka ay dadku ku badan yihiin ee Oromia – oo uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com