Ethiopia: Ciidammada Tigrai oo hubkoodii ku wareejiyay dowladda

Ethiopia-(Berberanews)-Afhayeen u hadlay ciidamada fallaagada Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ay wareejiyeen hubkoodii cuslaa, arrintaas oo qeyb ka ah heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee ay labada dhinac bishii November ku saxiixdeen dalka Koonfur Afrika.

Getachew Reda boggiisa Twitter-ka ku qoray in kala gudbinta hubka ay xaqiijiyeen kormeerayaal ka socday ururka Midowga Afrika iyo koox qaabilsan hubinta.

Tallaabadan ayaa saldhig u ah heshiiska waxaanuu ka mid ahaa qodobka dhigaya in adeegyadii dowladda lagu soo celiyo gobolka ay burburiyeen dagaalladii lagu dilay boqollaalka kun ee qof.

Shardi kale ayaa ahaa in gobolka laga saaro ciidamada militariga Eritrea ee ka barbar dagaallamayay dowladda Itoobiya.

Wararka ka imaanaya gobolka Tigray ayaa sheegaya in ciidanka Eritrea ay weli halkaas ku sugan yihiin.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com