Sucuudiga oo qaaday dhammaan xayiraadihii saarnaa Xajka

Saudi-(Berberanews)-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday, in xajka sannadkan aanla xadeyn doonin tirada dadka xajka tegaya sidii hore u dhacday intii uu jiray cudurka COVID-19.

Isaga oo ka hadlayay magaalada ku taalla xeebta Badda Cas ee Jiddah, ayuu wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacuudiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday xadidaadda xajka.

Xaji sannadki 2019 ayaa waxaa Xarameynka Shariifka ah tagay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof, hase yeeshee sababo la xidhiidh faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sannadki 2020-ki ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka. Sannadkaas ayaa waxaa xajiyay kaliyah 1,000 xujay oo ku nool Sacuudiga.

Sannadkii 2021, boqortooyada ayaa ku xadeysay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray muwaadiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan Sacuudiga, halka sannadki hore ay xajiyeen ilaa 1 milyan oo qof.