Somaliland oo farriin u dirtay maalqabeennada caalamka

Hargeysa (Berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq u dirtay ganacsatada iyo Maal-qabeennada Caalamka, kuwaas oo ay u soo jeedisay inay maalgeshi ku sameeyaan dalka Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Somaliland ay soo jiidatay Maalgeshadayaal Caalami ah, sida Shirkadaha Coca-cola, DP World iyo General Energy, xilligana ay Bulshada Caalamka ugu yeedhayaan inay arkaan oo ay ka faa’idaystaan fursadaha maalgashi ee yaalla Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu farriin u diray Shirkadaha iyo maalgasheyaasha dalka Jarmalka.

“Somaliland waxay soo jiidatay maalgashadayaasha, xasilloonida iyo kalsoonida awgeed, waxay heshay maalgashi caalami ah, sida Shirkadaha waaweyn Coca-Cola, DP World iyo General Energy. Sidaa awgeed waxaannu ku martiqaadaynaa shirkadaha Jarmalka inay yimaaddaan oo ay khibrad u yeeshaan xasilloonida iyo fursadaha ay Somaliland bixiso.” Sidaas ayuu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku yidhi qoraalkiisa.