Maxay yihiin maydadka lagu gubay Mozambique?

Mozambique-(Berberanews)-Ciidamada gobolka ee dagaalka kula jira Islaamiyiinta xagjirka ah ee Mozambique ayaa wada baadhitaan kadib markii uu soo baxay muuqaal online ah oo muujinaya dad xidhan wax u eg direyska ciidamada Koonfur Afrika oo gubaya meydad.

Laba askari ayaa la qabtay iyagoo mayd  ku tuuraya dab gubanaya oo qashin lagu shiday.

Ciidanka Koonfur Afrika ayaa sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata la “la horgayn doono sharciga”.

Ciidamadeeda ayaa la geeyay waqooyiga Mozambique laba sano ka hor. Waxay ku shaqeeyaan ama hoos-tagaan Hawlgalka Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika ee Mozambique (Samim).

Muuqaalkan oo aan wakhti ku qornayn ayaa waxa ka muuqda laba nin ii ciidamada oo sita talefannada gacanta oo u muuqda kuwo duubanaya dabka, mid ka mid ah waxa uu sitay calaamadda calanka Koonfur Afrika oo ku dheggan dirayskiisa.

Waxa kale oo ku jira mid iyaga ka mid ah oo dareere ku tuuraya jidhka bini’aadamka iyo ololka oo sii faafaya.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada difaaca qaranka Koonfur Afrika (SANDF) ayay ku sheegeen in taliyaha Samim uu “inuu wado baadhitaan ku saabsan ku lug lahaanshaha ciidamooda ee falkan foosha xun”.

“SANDF si kastaba ha ahaatee ma ogola falalka lagu sameeyay muuqaalka” isagoo intaa ku daray in kuwa lagu helo dambiga la ciqaabi doono.
Ciidamada ayaa sheegay in dhacdadan la rumeysan yahay inay bishii November ka dhacday Mozambique.

Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance (DA) ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhacdadani ay ceeb ku tahay dalkaasi, waxayna ku baaqeen in baardhitaan lagu sameeyo.