Somaliland oo xaqiijisay in Genel Energy qodayso shiidaal laga helay dalka

Somaliland-(Berberanews)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex, sida uu shaaciyay wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland, Cabdillaahi Faarax Cabdi.

Wasaaradda waxay sheegtay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen shidaalka.

Waa shidaalkii ugu horreeyay ee laga helo deegaanka.

Wasaaradda tamarta iyo macdanta ayaa intaas ku dartay in shirkadda tarmarta Genel ee laga leeyahay Ingiriiska ayaa sameyn doonto baardhaan dheeraad ah isla markaana sameyn doontoi shidaal qodista.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sameysay deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeedhay “sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com