Puntland oo sheegtay inay u dhaqmayso sidii Dowlad Madaxbannaan

MUQDISHO —(Berberanews)-Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay in maamulku uu dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, iyadoo hannaanka dhamamsytirka dastuurkana ay qayb ka tahay Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.

Waxay sheegtay Puntland in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo dastuurka Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoon doonto heshiisyada dawlad dhiska, gaar ahaan dhammaystrika datsuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah ee awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

Puntland waxay sheegtay inay xidhiidh walaaltinnimo iyo derisnimo iyo wada shaqayn ah la yeelan karto dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe ee federaalka.

Waxay shegetay Puntland in loo baahan yahay in meesha laga saaro hagardaamada fashilin karta geeddi socodka dawlad dhiska, lana ixtiraamo qaawaaniinta lagu heshiiyey gaar ahaan dastuurka ku meelgadhka ah.

Puntland waxay sheegtay inay doonayso in ahmiyadda la siiyo arrimaha ay ka mid ka yihiin:

1- In dalka laga saaro argagixisada al-shababa iyo daacish
2- In heshiis wadar-oggol ah laga gaadho arrinta Somaliland – gaar ahaan dawladda federaalka iyo Smaliland; iyo Puntland iyo Somaliland
3- In heshiis laga gaadho arrimaha dawlad dhiska, hannanaka federaalka iyo dhammaystrka dastuurka.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com