Jabuuti oo dhisaysa Xarun laga diro Dayax-gacmeedyada iyo Gantaalaha.

Djibouti-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa saaka shir gudoomiyay munaasibada heshiis ay ku wada gaadhayeen Dawlada Jabuuti iyo shirkadda Hong Kong Aerospace Technology Group.

Hawshiiska ayaa bar bilow u noqaanaya inay Jabuuti yeelato xarun laga rido Gantaalaha iyo dayax-gacmeedyada waxaana uu ku kici doona lacag gaadhaysa Hal bilyan oo dollar.

Heshiiska waxa ka mid ah dhismaha dekkad iyo waddo wayn oo laga dhiso gobolka Waqooyiga Jabuuti ee Obokh.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com