Xasan Sheekh: ““Dadka inta qoriga laga daayo, dad la hadlo oo..”

Muqdisho-(Berberanews) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay Somaliland inay xal nabadeed ku dhameyso qalalaasaha ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Sheikh ayaa sheegay inay ka damqanayaan in dad Soomaaliyeed oo calankii huwan ay dhibaatoonayaan.

Madaweynuhu wuxuu sheegay, in Somaliland looga baahan yahay inay hab ka duwan habkii hore u wajahdo xaaladda Laascaanood iyo nabad galyadeeda.

“Dadka inta qoriga laga daayo, dad la hadlo oo hadalkooda ay dhegaysanayaan haloo soo diro. Calool waxay ku bukootay laguma daaweeyo. Hadalada qaarkoodna kuwo qurqurxoon ma ahane hala iska daayo” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynuhu wuxuu ka digay in collaadda lasii huriyo, islamarkaana wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in hab ciidan loo adeegsado kicitaanka shacabku sameeyeen.

Xasan Sheikh wuxuu shacabka Laascaanood ugu baaqay inay isdajiyaan una diyaar garoobaan xal nabadeed iyo wada hadal.