Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo kala saxeexday Heshiis Iskaashi Milateri

UAE-(Berberanews)-Dowladdaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxeexday heshiisyo xidhiidhka Milateriga iyo amniga khuseeya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Cali Maxamed Al-Bawaaridi.

Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wadahadlay arrimaha amniga gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka, waxayna kala saxiixdeen wasiirada iskaashi la xidhiidha dhanka militeriga, amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

“Waxaan heshiis iskaashi oo dhanka milatariga, amniga iyo ladagaallanka argagixisada khuseeyo la saxiixannay maanta dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta. Heshiiskan ayaa waxa uu ku qotomaa xiriirka soojireenka ah ee labadeenna dal, waxa uuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan uu kor u qaadayo awoodda difaaca qaranka ee dowladda soomaaliya, islamarkaana gacan weyn ka geysan doona dagaalka gudaha Soomaaliya looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.