Aktarada reer Masar ee Menna Shalabi oo lagu xukumay xashiishad

Masar-(Berberanews)-Menna Shalabi Aktarada caan ah oo u dhalatay dalka Masar ayaa lagu xukumay hal sano oo xadhig ah, kaddib markii laga helay xashiishad.

Daroogada ayaa laga helay boorsooyinkeeda  fudud, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Menna Shalabi waxay ka soo safraysay Maraykanka kuna socotay Qaahira.

Xashiishadu waa sharci meelo ka mid ah Maraykanka, laakiin maaha gudaha Masar. Markii la xidhayay bishii November, Ms Shalabi waxay dafirtay in daroogooyinka ay iyadu leedahay, sida ay ku warrantay warbaahinta Masar.
Ms Shalabi ayaa horay loogu magacaabay Abaalmarinta Emmy Award. Xashiishada waxaa isticmaala qaar badan oo reer Masar ah inkastoo ay sharci darro tahay.

Menna Shalabi waxa ay ku adkaysatay in aanay dambi gelin.