Masuulliyiinta Ururka KAAH oo kormeer ku tegay Deegaanno Sallaxley ka tirsan

Sallaxlay-(Berberanews) Gudoomiye ku-xigeenada Xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka iyo Arrimaha Bulshada Cabdikariim Maxamed X Cali iyo Saynab Xasan Cali(Xukun) ee ururka isbahaysiga Sinaanta iyo Horumarinta Somaliland ee KAAH, oo ay weheliyaan, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Cabdirisaaq Koosaar Maxamud iyo Siyaasi Caydaruus Aadan Garwaf iyo Xubno kale oo ka tirsan ururka Kaah, ayaa maanta kormeer ku soo maray deegaano ay ka mid yihiin, Kaam Tuug, kaabada,Ina Guuxaa iyo Degmada salaxley.

Weftiga ka socday urur siyaasadeedka kaah, ayaa dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi ku booriyay in ay is diiwaangeliyaan oo ay ka faa`iidaystaan fursada qaadasha kaadhka diiwaangelinta Doorashada.

Waxa kale oo weftigu ay soo kormeereen goobaha ay ka socoto diiwaangelintu, halkaas oo ay goobo dhowr ah soo mareen, dadweynaha safafka ku jiray ee isdiiwaangelinaayay ayaa sacab ku soo dhaweeyay masuuliyiinta ururka Kaah ee maanta goobahaasi booqday.