Ururka KAAH oo wacyigeli ka wada Marooji-Jeex, Togdheer, Awdal, Saaxil,Gabiley iyo Hawd

Hargeysa-(Berberanews)-Ururka, Isbahaysiga Sinaanta iyo Horumarinta Somaliland ee KAAH, ayaa hawlo wacyigelin ah ka wada Gobolada Dalka oo dhan, wufuud kala duwan oo ka socda ururka ayaa u kala baxay gobolada Dalka kuwaas oo bulshada ugu baaqay in ay qaataan kaadhka diiwaangelinta Doorashada

Gudoomiyaha Ururka,Isbahaysiga Sinaanta iyo Horumarinta Somaliland ee KAAH, Maxamud Xaashi Cabdi iyo wefti uu hogaaminaayo  ayaa bulshada Gobolka Togdheer ugu baaqay in ay qaataan kaadhka oo ay ka faa`iidaysta jaaniska haatan horyaala.

Gudooomiye ku xigeenka Ururka Kaah ee dhinaca Siyaasada, Mudane Cabdilaahi Ibrahim Habane (Cabdilaahi-Dheere) ayaa bulshada Gobolka Awdal ugu baaqay in ay qaataan Kaadhka Diiwaangelinta.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Kaah, ee dhinaca Xidhiidhka Gobolada iyo degmooyinka ayaa socdaal wacyigelin ah ku soo maray Gobolada Gabiley iyo Hawd, iyo degmada Wajaale halkaas oo ay bulshada ugu baaqeen in ay qaataan kaadhka diiwaangelinta

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada, Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan iyo  wefti uu hogaaminaayo bulshada Gobolka Saaxil ugu baaqay in ay isdiiwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka Doorashada.

Ururka Kaah wuxu Shacbiga u dirayaa Fariintan Kooban:

“Muwaadin is diiwaangeli si aad wax u doorato ama laguu doorto Berri”