Madaxweynaha Puntland  oo sheegay in Somaliland xoog ku haysato Sool

Puntland-(Berberanews)-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta Laas-Caanood oo ah magaalo madaxda gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa xaaladda ka soo korortay magaalada ku tilmaamay nasiib-darro.

“Waxaan aad uga xumahay dad Soomaaliyeed, oo dhul Soomaaliyeed jooga, oo calankii Soomaaliyeed uu dul babbanayo in xabbado dhashiikayaal ah lagu dilo, waa arrin aan loo fadhin.

Wixii dadka Somaliland ay uga caban jireen dowladdii hore ee militariga ahayd inay maanta sameynayaan waa arrin aan loo dulqaadan karin.

Waxaan rajeynayaa in falalka noocaas ah ay soo afjarmaan. Gobolka Sool, waa gobol ka tirsan Puntland oo qeybo ka mid ah ay si xooga h u heystaan dad aan Soomaalinnimada oggoleyn oo raba inay Soomaaliweyn ka baxaan. Dadka reer Sool, dadka reer Cayn, daka reer Sanaag waa dad Soomaaliyeed oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah qeyb ka tirsan maamulka Puntland,” ayuu yidhi Madaxweyne Deni.

Wuxuu intaas ku daray inuu ka xun yahay in sida uu sheegay dilal qorsheysan lagu sameeyo dhalinyarada gobolka, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay hab lagu dabar jarayo.

Wuxuu Madaxweyne Deni sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay Laascaanood, isagoo sheegay inay tahay arrin ay si dhow isha ugu heysay Puntland.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in waxa ka socda magaalada ay tahay farriin loo dirayo Puntland isla markaana aysan indhaha ka laabna doonin.