Kooxda SSC oo wada Shirqool dhagaraysan oo ay u meleegayaan Somaliland. Akhriso

Hargeysa-(Berberanews)-Kooxda la baxday Khaatumo State oo ku andacoota inay maamul gaara u sameeyaan Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn, ayaa bilaabay qorshe ay ku doonayaan inay  kaga mid noqdaan Maamul-gobolleedyada dowladda Somali.

Qorshaha ay kooxdani wado waxay u soo jeediyeen Dowladda Somalia inay ku dhawaaqdo Goboolladaasi inay ka mid yihiin Dowladda Federaalka ee Somalia, una soo magacowdo Guddi Farsamo.

Warqad ay Pettition (cod) qaab online ah ugu samaynayaan in Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn loo aqoonsado Maamul Goboleed ayay kooxdani u direen Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre
Qorshaha dhagaraysan ee Kooxdani maleegayso ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad siyaasadeed iyo mid milateri ka taagantahay Magaalo Madaxda Sool ee Laascaanood, kuwaasoo doonaya inay uga faaiidaystaan dareenka dadka ee xilligan ka taagan halkaas.

Halkan ka akhriso warqadda ay soo saareen Kooxda SSC oo nuqul ka mid ah ay heshay shebekadda Berberanews.