Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu muxuu ka yidhi Laascaanood?

Hargeysa-(Berberanews -Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in kacdoonada magaalada Laascaanood ay qayb ka tahay qaabka ay xukuumadu uga jawaabtay kacdoonka, waxa uu sheegay in hadalada masuuliyiinta xukuumada iyo talaabooyinka ciidamada amaanku ay xaalada uga sii dareen.

Waxa uu xusay in ilaa hada ay mudoharaadada ku dhinteen 8 qof oo rayid ah, lana jaray khadka internetka, isla markaana korontada magaalada la jaray saacadaha qaarkood, taasi oo uu ku tilmaamay ku xad gudub xuquuqda aadanaha ah oo ay xukuumadu samaysay.

Waxa uu sheegay in masuuliyada suggida amaanka magaalada Laascaanood ay leedahay xukuumada Somaliland, lagana rabo in sirdoonka iyo ciidamada booliisku ay wax ka qabtaan dilalka ka dhacay Laascaanood.

“Waa howl masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadu waana shaqadii loo igmaday madaxweynaha iyo xukuumadiisa, laamaheeda amniga, wasaarada arrimaha guddaha, taliska ciidanka booliiska, sirdoonka, waxa laga rabaa in ay waxkasta oo ka dhacaya ay iyagu wax ka qabtaan” ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu sheegay in uu hore madaxweynaha ugula taliyay in uu dadka gobolka kala tashado cida ay rabaan in ay maamulkooda u dhiibtaan, isla markaana ay qaar kamid ah dadka magaalada Laascaanood ka qaybgaliyaan ilaalinta amniga.