Somaliland oo gacmo shisheeye ku eedaysay xiisadda Laascaanood

Hargeysa-(Berberanews)-“Arrinta Laascaanood waxa ku jira gacmo shisheeye oo aan reer Somaliland ahayn” sidaa waxaa yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Wasiir Koore waxa uu shacabka Laascaanoof ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan oo wakhti la siiyo in la wada hadlo
“Waxaan ummadda reer Sool gaar ahaan degmada Laascanood ka codsanayaa anoo af-kii xukuumada Ku hadlaya inaan dhamaanteen is dajino, oo aynu wakhti siino in la wada hadlo oo nabada laga shaqeeyo, dhibaatadu hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yartahay”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL Mudane  Sulayman Yusuf Koore