Ciidammada Eritrea oo ka baxay Gobolka Tigray

ADDIS ABABA —(Berberanews)-Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askarta Eritrea oo ku dagaallamayey taageerada dowladda federaalka Itoobiya labadii sano ee dagaalka sokeeye ee gobolka Tigreega ay ka baxeen labo magaalo oo waaweyn, una jihaysteen dhanka xadka.

Ka bixista deegaanada Shire iyo Axum ayaa daba socota xabbad-joojin ay kala saxiixdeen 2-dii bishii November dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigreega ee TPLF, kaasoo dhigayay in ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea, heshiiskan qayb kama ay aheyn, waxaana joogitaanka ciidamadeeda ee xarumaha waaweyn ee gobolka Tigreega a y keeneen su’aalo la xidhiidha dhaqangalka heshiiskan.

Ilaa hadda ma cadda in ciidamada Eritrea ay gabi ahaanba ka baxayaan gobolka Tigray iyo in ay dib uga gurteen magaalooyinka qaar.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in aanu xaqiijin karin ama beenin karin warkan, halka sarkaal Itoobiyaan ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo uu xaqiijiyay in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan Axum iyo Shire.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigreega, ayaan  ka jawaabin faah-faahinta warkan.

Saddex ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Axum iyo Shire ayaa sheegay in ay arkeen tobannaan baabuurta militariga ah oo ay ka buuxaan askar Eritrean ah oo Khamiistii kusii jeeday magaalada xuduudka ah ee Sheraro.

Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamadu ay u gacan haadinayeen.