“Muddadii aan xidhnaa waxaan maqlay in Jonathan, Diinta Islaamka Qaatay” Coldoon

Hargeysa(Berberanews)-Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah samafale muddo laba sannadood ah ku jiray xabsiga, ayaa maanta dib u helin xoriyadiisa, wuxuuna ka waramay arrimaha loo haysatay ee sababay in muddadaa labada sannadood ahayd uu ku jiro xabsiga iyo waxa u qorshaysan.

Samafale Cabdimaalik oo warbaahinta la hadlay markii lasoo daayay, ayaa sheegay in marna ka tanaasulayn inuu ka hadlo wixii xumaan ah ee uu arko, isagoo tilmaamay in markii maxkamaddu dhegeysatay kiiskiisa lagu waayay eeddaha loo haystay, isla markaana amar ku bixiyay garsoorihii kiiskiisa hayay in lagu waayay dacwadii sidaa awgeed xoriyadiisa loo celiyo.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in aannay taasi dhicin oo rafcaan laga qaatay go’aanka maxkamadda kaddib mar kale lasoo taagay maxkamad, iyadoo aan eeddaha iyo is difaaciisa labada dhinac aannu midna waxba ka beddelin, balse markii danbe laba sannadood oo xabsi ah lagu xukumay.

“Ma jirin rafcaan aan ka qaatay xukunka danbe, sababtoo ah waxaan arkayay in aannan cadaadal helayn, waayo markii hore Maxkamadda markii garsooruhu soo saaray go’aanka ahaa in xoriyadayda lay celiyo, waxay ahayd in halkaa laygu sii daayo, laakiin xabsiga ayaa laygu sii hayay ilaa markii danbe laygu xukamay labada sannadood, iyadoo aan waxba iska beddelin difaacii iyo eeddihi, sidaa ayaan ku qaatay go’aanka ah in aan iska dhammaysto xukunka, annigoo bixiyay lacagtii ganaaxa ahayd ee laygu xumayna.”ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in muddadii uu xabsiga ku jiray la doonayay in loo maleego kiisas kale, balse uu ka badbaaday.

Cabdimaalik, wuxuu sheegay in muddadii uu xidhnaa maqlay inuu Diinta Islaamka qaatay Jonathan Starr , oo ah  aasaasaha (Abaarso School of Science and Technology), wuxuuna soo dhoweeyay arrintaa, balse wuxuu sheegay in haddii Jonathan qaatay Diinta Islaamka ay ka muuqaan doonto Dugsiga uu maamulo ee Abaarso iyo xarumaha kale ee hoos yimaada.

“Muddadii aan xidhnaa waxaan maqlay in Jonathan Starr,  Diinta Islaamka Qaatay, waxaana laga arki doonaa Abaarso School iyo xarumaha uu maamulo ee dugsigaa hoos yimaada.” Ayuu yidhi. Cabdimaalik.

Suxufiyiinta, wxuu u sheegay Cabdimaalik in aannu waxba ka beddelayn inuu ka hadlo arrimaha wanaaga iyo inuu bulshada uga digo xumaanta, wuxuuna u mahad celiyay cidkasta oo ka qayb qaadatay inuu xoriyadiisa dib u helo.