Dagaal dhexmaray Ciidammada Hindiya iyo Shiinaha

Bbc-(Berberanews)-Hindiya ayaa sheegtay ciidamadeeda dagaal iney kula galeen kuwa Shiinaha xadka ay labada dal ku muransan yihiin.

Iska horimaadka labada dhiinac dhexmaray ayaa la sheegay inuu qasaara ba’an uu ka dhalan sida lagu baahiyey warbaahinta afka dowladda Hindiya ku hadasha.

Xadka ay ku dagaallameen ciidmada Delhi iyo kuwa Beijing waxaa ku sugan ciidamo aad u badan, iyada oo isku dhacan cusub uu yahay kii ugu horreeyey oo dhaca muddo laba sana ah iyada oo ay ku dhinteen 24 askari.

Hase yeeshee Shiinaha ayaan ka hadal isku dhacan cusub inkasta oo ay xaaladdu ku tilmaantay mid xasiloon.

Labadan dal ee heysta Nukliyerka waxaa ka dhexeeyay taarikh dheer oo ah khilaaf dhanka xadka ah kaas oo in muddo ah soo jiitamayay.

Marka howlagallada ay ka sameeyaan ciidammada Shiinaha iyo Hindiya ayaa horseeday isku dhacyo joogto ah balse la iskuma adeegsan wax rasaas ah muddo ka badan 40 sanno.