Masuulliyiin ku dhintay qarax ka dhacay Jowhar

JOWHAR —(Berberanews)- Inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku dhintay Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Jowhar Mahad Muxiidiin Calasow iyo askari ka tirsan cidamada amniga.

sidaas  waxaa idaacadda VOA u sheegay Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Jowhar Mukhtara Abuukar Macalin.

Qaraxan waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab.