Kooxda Alshabaab oo ka hadashay dilka ay u geysteen Taliyii NISA ee Gedo

Gedo-(Berberanews)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar lagu dilay taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke), sida ay sheegtay warbaahinta ku hadashada Afka Al-Shabaab ee SomaliMemo.

Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda gobolka Gedo ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq.

Hawlgal ay Al-Shabaab ku sheegtay inuu ahaa mid qorshaysan ayaa waxaa lagu dilay taliyihii ugu sareeyay sirdoonka Gedo.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab ee ay dowladda Soomaaliya iclaamisay uu weli socdo.