Micsiga Guurkii Haybado 8 sano ka hor iyo Guurka Maanta ee ka dhacay Djibouti
Djibouti-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Jabbuuti, ayaa ka qaybgalay Munaasibad dhaqan, waxaana dhaqanka Soomaalida ka mid ah in innanta ay bixiyaan Abtiyaasheed, sidaa daraadeed ayuu, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u bixiyey Marwo Haybado Ismaaciil Cumar oo uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo u wakiishay dhiggiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bixinta innanta uu Abtiga u yahay ee maanta meherkeedu ka qabsoomay dalka Jabuuti oo uu weydiistay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.


27 jully 2014 waxaa arooskoodu ka dhacay Djibouti Dr Jaamac Cilmi Cokiye oo ahaa madaxa Macadka Qaranka iyo Tobabarada iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle oo uu xiligaas bixiyay Alle ha u maxariistee Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Indhacase) iyo salaadiin reer Somaliland oo uu ka mid ahaa Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ciise iyo sallaadiin kale.

Halka maanta oo ay taariikhdu ahayd December 08 uu Madaxweynaha Somaliland uu cummaad dhaqan ku hibeeyey gabadh uu dhalay dhiggiisa Jabuuti oo maanta loo meheriyey sarkaal reer Muqdisho ah oo lagu magacaabo Saadiq Joon.
Waxaa kale oo isna xafladda ka qaybgalay Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud oo ah wiil uu dhalay alle u naxariistee Suldaan Indhacase.